Ciidan tababar ku soo qaatay Jabuuti oo Muqdisho ku soo laabtay

Cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Ciidanka oo saddexdii bilood ee la soo dhaafay tababar uu heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dalkaasi Jabuuti ayaa ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdsho.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, wax yar uun ka dib, markii diyaaraddii ay la socdeen ka soo cago dhigatay.

Saraakiil ka tirsan Carabinieri-ga Talyaaniga ayaa tababarka siinayay ciidankan, oo gaar ahaan ka tirsan Xoogaga Daraawiishta ee Booliska Soomaaliyeed.

Khubarada Carabinieri-ga Talyaaniga ayaa gacan ka gaysta dhismaha iyo xoojinta Daraawiishta Soomaaliyeed.

Daraawiishta Soomaaliyeed ayaa loo tababaraa xirfadaha hubka, ka hortagga weerarada argagixisada iyo ilaalinta amniga guud ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com