Muslimiinta ku dhaqan dalka New Zealand ayaa maanta u dabaaldegay maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga, ka dib markii ay Khamiistii dhameystireen soddonka maalmood ee bisha Ramadan.
Dalka New Zealand oo ah dalka ugu horeeyo caalamka ee qoraxda u soo hor baxdo ayaa Muslimiinta ku nool ay hal maalin ka dambeeyeen Muslimiinta ku dhaqan dunida inteeda kale, markii ay soomayeen maalinta 1aad ee bisha Ramadan.

Maxamed Cabdi Afey oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa sheegay in New Zealand ay leedahay Guddi ku mideysan shan iyo afartan Masjid, kuwaa oo go’aamiya xilliga la soomayo iyo weliba xilliga kale ee la ciidaayo.
Maxamed Cabdi Afey ayaa tilmaamay in xeerka u degsan Guddiga Culimadooda uu yahay in aragti lagu soomo, aragtina lagu ciido, taasina ay tahay waxa dib u dhaca ku keenay inay maanta ciidaan.
Inta badan dalalka Islaamka iyo dunida inteeda kale ayaa Khamiistii shalay laga ciiday maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com