Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta u ambabaxay Magaalada Djibouti ee Xarunta Wadanka Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland ayaa casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa dalkaasi kaga qaybgelaya munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa dib loogu doortay xilka madaxtinimada dalkaasi, ka dib doorashadii 9-kii bishii hore ee April ka dhacday dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com