Madaxweyne Biixi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Jabuuti (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ambouli ee Magaalada Djibouti ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyay Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland ayaana lagu qaabilay oo lagu soo dhaweeyay habmaamuska Madaxda dalkaasi booqanaya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kolkii dambe loo gelbiyay goobta loogu talagalay inay ka deggaan magaalada, muddada ay ku sugan yihiin dalkaasi.

Madaxweyne Biixi ayaa casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoona lagu wado inuu dalkaasi kaga qaybgalo caleemo-saarka Madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa dib loogu doortay xilka madaxtinimada dalkaasi, ka dib doorashadii 9-kii bishii April ka dhacday dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com