Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Magaalada Cadaado (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Magaalada Cadaado ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo qaybaha bulshada, kuwaa oo xaaladda deegaanka uu ka xog wareysanayo.

“Madaxweynaha ayaa ku ammaanay reer Cadaado is xilqaanka iyo isku duubnida ay ku dhisanayaan degmadooda, isagoona u ballanqaaday in ay Dowladda Galmudug si buuxda u garab taagan tahay dadaaladooda.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com