Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo gaaray Caasimadda Djibouti (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa casir liqii galabta gaaray Magaalada Djibouti ee Xarunta Wadanka Jabuuti, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dalkaasi uga qaybgelaya caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Waa safarkii 4aad oo Rooble uu dibadda ugu ambabaxo, tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii September ee sanadkii hore.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com