Ra’iisal Wasaare Rooble oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu dalkaasi kaga qaybgelayo caleemo-saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo bishii April dib loogu doortay xilka.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, oo uu uga qaybgelayo caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Waa safarkii 4aad oo Rooble uu dibadda ugu ambabaxo, tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii September ee sanadkii 2020.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com