Qoorqoor oo Gaalkacyo u tagay xiiisadda ka dhalatay dilka Sheekh Cali Dheere

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Gaalkacyo u tagay qaboojinta xiisadda ka dhalatay dilkii Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere), oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug.

Sheekha ayaa habeenkii Arbacada lagala baxay Xarunta Agoonta Deegaanka Xaarxaar ee duleedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu dilay tuulada Xero-Jaale oo hoos-tagta Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Bannaanbax looga soo horjeedo dilka Sheekh Cali Dheere ayaa Khamiistii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxayna Odayaasha Dhaqanka sheegeen in dilka Sheekh Cali Dheere ay u haystaan Dowladda Federaalka iyo Galmudug, maadaama ciidamadoda ay nolol ku kaxeysteen, ka hor intii dilkiisa la soo warin.

Sheekh Cali Dheere ayaa labaatankii sano ee ugu dambeysay ka shaqaynayay waxbarashada iyo daryeelka agoonta Gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in bishii April ay xabsiga u taxaabeen laamaha ammaanka, iyagoo markaasi la xiriirinaya Al Shabaab, tiiyoo aan wax caddayn ahi loo hayn, waxayna geeridiisa walaac dhanka amniga ah ku keentay dadka reer Gaalkacyo.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) oo qayb ka ah wafdiga Madaxweyne Qoorqoor ee gaaray Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in arrimo shaqo oo amniga ku saabsan ay u yimaadeen Gaalkacyo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa maanta kulan la leh Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka reer Gaalkacyo, oo iyagu bannaanbixii maalintii Khamiista ka sheegay in dilka Sheekha looga dan lahaa soo cusbooneysiinta isku dhacyadii beelaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com