Guddi ka socda Dowlad Goboleedyada oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa diyaargarow ugu jira qabsoomidda shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee 20-ka bishan ka furmayo Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray Guddiga diyaarinta shirka ee ka socda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddiga Dowlad Goboleedyada ka socda ayaa la hawlgelaya xubno metelaya saaxiibada caalamka ee Somaliya, si loo xaqiijiyo natiijo hufan oo ka soo baxda shir madaxeedka lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa 2-dii bishan shir uu isagu shir guddoomin doono isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedka, kaasoo uu iclaamiyay in 20-ka bishan ka furmi doono Caasimadda Muqdisho.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Ra’iisal Wasaaraha ku wareejiyay arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com