Lafta-gareen oo tababar u soo xiray ciidamo cusub (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidamadan oo noqonaya dufcaddii 4aad ee Daraawiishta Koonfur Galbeed yeelanayso ayaa waxaa tababarkan siinayay Saraakiil ka tirsan Qaybta 3aad ee Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidamada ayaa munaasabaddii tababarka loogu soo xiraayay ku soo bandhigay dhoolatus ka tarjumaya tababarkii ay qaateen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qayb qaadashada xoojinta amniga ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa marka hore u mahadceliyay Saraakiishii AMISOM ee tababarka bixineysay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ciidamadan kula dardaarmay inay dadkooda, dalkooda iyo diintooduba ka difaacaan cadowga, go’doomintana ay ka saaraan magaalooyinka iyo deegaanada Koonfur Galbeed ee maleeshiyada Al Shabaab go’doomiyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com