Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ballanqaaday in uu cadaalad heli doono Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere), oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug.
Sheekh Cali Dheere ayaa habeenkii Arbacada lagala baxay Xarunta Agoonta Deegaanka Xaarxaar ee duleedka Magaalada Gaalkacyo, iyadoona lagu dilay tuulada Xero-Jaale oo hoos-tagta Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay kaga qaybgalay aas loogu sameeyay Sheekha. Meydka Sheekha ayaa maalmihii ugu dambeysay ku jiray qaboojiye, ka dib markii ehelkiisa iyo Odayaasha Dhaqanka ay diideen in la aaso, iyadoo aan cadaaladda la horkeenin kuwii dilay.
Madaxweynaha ayaa iftiimiyay in dilka Sheekh Cali Dheere ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan hay’adaha ammaanka ee Galmudug, isagoona ballanqaaday in cadaaladda la marsiin doono.

“Gacan ka xaqdaran oo dulmi badan ayaa Sheekh Cali sabab-saday, weliba dad ku ganbanaya amaba wata magacii hay’adaha amniga ee dowladda. Way dhici jirtay dad dulmi samaynaya ama dhibaato gaysanaya oo dad wax-gal ah oo bulshada indhaheeda ah ku xadgudba ama dhibaato u gaysta, laakiin tani way ka duwan tahay, waxay kaga duwan tahay waxaa loogu soo ganbaday ama loo isticmaalay magacii iyo awooddii dowladda.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa yiri “Sidaa darteed waxaan rabnaa inaan caddeyno ma noqon doonto inta leeskugu yimaado oo laga tacsiyeeyo oo leeska wareysto halkaas kuma hari doonto. Baaris daahfuran oo laga qaybgalo, ishana lagu hayo natiijada illaa laga gaaro ayaa la baari doonnaa, qof kasta oo qayb ka ahaana dilka Sheekh Cali waxaan Ilaahay ka rajeynaynaa inuu dhadhamiyo cadaaladda.”
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku celiyay tallaabada lagu dilay Sheekh Cali Dheere in ay weji kale leedahay, marka aad eegto in loo adeegsaday magaca Maamulka Galmudug.
“Wixii loogu soo ganbado hay’adihii amniga, cadaaladda iyo adeeggii bulshada loo soo doonanayay waxay leeyihiin dhiilo gaar ah. Meeshii uu joogay iyo shaqadii uu hayay baa loogu tagay, waxaana looga soo baxshay magaca dowladda, markaas ka dib meeshii la geeyay iyo wixii lagu sameeyay waa kiis kale, laakiin sida loo soo qabtay iyo sida lagu soo gacan-geliyay saas bay ahayd, intaan ka hayno. Ilaahay idinkii waan isugu nimid, hay’adihii amnigana waan u yeernay, madaxdii ciidamadana waa jooggaan dhammaan, waxaana samayn doonnaa baaris aan qarsoonayn oo maro hoosteed ku jirin, waxaana ka soo bixi doono Insha’Allah ficil la fuliyo.” Ayuu yiri Qoorqoor.
Sheekh Cali Dheere ayaa labaatankii sano ee ugu dambeysay ka shaqaynayay waxbarashada iyo daryeelka agoonta ee Gobolka Mudug.
Bishii hore ee April ayay ahayd markii hay’adaha ammaanka ay Sheekha ku xireen Magaalada Gaalkacyo, inkastoo markii dambe ay dib xorriyadiisa u siiyeen.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com