Ra’iisal Wasaare Rooble oo Muqdisho ku soo laabtay (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu dalka Jabuuti kaga qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii ka degay Magaalada Djibouti, halkaasoo ay Sabtidiina kaga qaybgaleen caleemo-saarka Madaxweyne Geelle, oo dib xilka loogu doortay doorashadii 9-kii bishii April ka dhacday dalkaasi.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa la filayaa in maalinta Khamiista uu Magaalada Muqdisho ka furo shirka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa 2-dii bishan shir uu isagu shir guddoomin doono isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedka, kaasoo uu iclaamiyay in 20-ka bishan ka furmi doono Caasimadda Muqdisho.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Ra’iisal Wasaaruhu ku wareejiyay arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com