Wararkii ugu dambeeyay go’doonka ay gashay Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa gashay xaalad go’doon ah, ka dib daadad ka dhashay fatahaadaha uu sameeyay Webiga Shabelle, oo si weyn ugu fatahay tuulooyinka hoostagga magaaladaasi.

Daadadka ka dhashay fatahaadaha webiga ayaa gooyay wadooyinka labada dhinac looga galo Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Fatahaadaha ayaa sidoo kale kala jaray Magaalada Jowhar iyo Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Dheere, oo wa-xoogaa ka durugsan magaalada.

Dhanka kale ku dhawaad toban kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaadaha harqiyay tuulooyinka ku gadaaman Magaalada Jowhar, iyadoo ayna baaba’een waxyaabihii ay noloshooda ku tiirsaneyd, sida dalaga beeraha iyo xoolaha nool.

Wasiirka Gargaarka & Maaraynta Masiibooyinka ee Hirshabelle, Cabdi Mahad Cabdullaahi (Qoorgaab) ayaa sheegay in fatahaadaha ay cagta mariyeen dalagyadii beeraha, xilli beeraleyda isu diyaarinayeen inay miraha beerahooda gurtaan.

“Magaalada Jowhar waxa ay ku sugan tahay xaalad biyo baxo ama fatahaado, sida loo yaqaanaba, waxaa ku soo fatahay Webiga Shabelle ee mara Bartamaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Inta badan wadooyinka soo gala Magaalada Jowhar waxaa dhammaanba gooyay biyihii ka soo baxay labada dhinac ama labada buq ee loo kala yaqaano Baareey iyo Mookeey, labadaba waxay gooyeen wadooyinka laga soo galo Magaalada Jowhar oo dhan. Sidaa darteed magaalada waxaa lagu soo geli karaa oo keliya doon.”

Wasiirka ayaa tilmaamay illaa iyo hadda inaanay jirin wax gurmad ah, oo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada ay soo gaarsiiyeen qoysaska ku barakacay illaa shan iyo toban tuulo, oo fatahaaduhu harqiyeen.

Webiga Shabelle ayaa sanad kasta sameeya fatahaado, iyadoona saamaynta ugu badan ay ku yeelato shacabka ku dhaqan saddexda gobol ee webigaasi uu maro, gaar ahaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com