Dhalooyin badan oo qamri oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

Ciidamada ammaanka ayaa saakay gacanta ku dhigay qamri fara-badan oo la doonayay in si qarsoodiya loo soo geliyo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Korneyl Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in qamriga lagu qabtay kontoroolka Magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in askar ka tirsan ciidanka ay doonayeen si qarsoodiya inay qamrigaasi gudaha ugu soo geliyaan magaalada, balse ay ka hortaggeen ciidankii kale ee kontoroolka ku sugnaa.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dhalooyinka qamriga lagu soo qariyay kartoonada saliidda, haatana uu socdo baaritaano ku aaddan qamrigaasi iyo ciddii loo wadayba.

Korneyl Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa ciidamada uga mahadceliyay tallaabada ay uga hortaggeen dhalooyinkaasi faraha badan ee qamriga, isagoo intaa ku daray inay la xisaabtami doonaan cid walboo ku lug yeelato arrintaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com