Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Buundooyinka Waaber & Xamar Jajab

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dhagax dhigay Buundooyinka Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab, oo dib-u-dhis lagu sameynayo.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in dib-u-dhiskan ay iska kaashanayaan maamulka Gobolka Banaadir iyo Bankiga My Bank.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu soo dhaweynayo cid kasta oo ka qayb qaadanaysa horumarinta iyo dib-u-dhiska Caasimadda Muqdisho, isagoona bogaadiyay qorshaha uu My Bank kaga qayb qaadanayo dhismaha labada buundo ee mara Degmooyinka Xamar Jabab iyo Waaberi, muhiim-na u ah isu socodka magaalada.

Cumar Filsih ayaa shacabka reer Muqdisho kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan bilicda goobaha dib-u-dhiska lagu sameynayo, si loo wada ilaashada goobaha danta guud ee ummaddu wada leedahay.

Dhagax dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenada Howlaha Guud & Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka socday Bankiga My Bank.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com