Faah Faahin: Qarax xoogan oo ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in fiidnimadii caawa uu qarax xoogan ka dhacay magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Embassy ee Koonfurta Gaalkacyo, ka dib markii mooto bajaaj walxaha qarxa la soo saaray ay halkaasi ku qaraxday.

Goobjoogeyaal ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in saddex nin oo saarnaa mooto bajaajta ay ku dhinteen qaraxaasi, isla-markaana aanay jirin cid kaloo wax ku noqotay.

Hase ahaatee Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) oo goobta kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen laba nin, oo midkood uu ku sheegay wadihii mooto bajaajta, halka kan kalena uu ahaa ninkii qaraxa waday.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in ujeedka Shabaabku uu ahaa inay waxyeeleeyaan dadka rayidka, ha yeeshee uu Alle iyagii ku celshay dhagartii ay maleygayeen.

“Dhagarqabeyaashii waxay soo maleygeen dhagar, Ilaahay mahadiis waxaa ah dhagartii ay soo maleygeen Ilaahay inuu ayaga uga dhigay dhimbil daba.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug, Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) ayaa isna weerarkan ku sheegay mid cabsi gelin ah.

“Cabsi baala yiraahdaa waxa noocaasi ah, kamana cabsanayno, anaga iyo ayaguna waan isku raad joognaa, waana ka shaqaysanaynaa, dhimashana leeskuma cabsiiyo, horee wax u dili jireen, anaguna waan dileynaa Ilaahay idinkiis.” Ayuu yiri Qoodaar.

Dhanka kale Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/dhexe Qaasim Sheekhdoon Cali ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aaddan qaraxaasi, dibna ay faah faahinta ka soo sheegi doonaan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan ugu dambeeyay ee caawa ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com