Madaxweynaha Hirshabelle oo kormeeray buqda Mookeey (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kormeeray buqda Mookeey, oo ah buqda labaad ee fatahaadaha Webiga Shabelle sameeyay. Buqda kale ayaa ah buqda Baareey.

Inta badan wadooyinka soo gala Magaalada Jowhar ayaa waxaa gooyay biyihii ka soo baxay labada dhinac ama labada buq ee kala ah Baareey iyo Mookeey.

Madaxweynaha ayaa u kuurgelaayay xaaladda fatahaadaha ka jira tuulada Mookeey, oo si weyn u saameeyay wadooyinka laga soo galo Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Wasiirka Beeraha & Waraabka, Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo kan Degmada jowhar, iyadoo dadaal dheer oo ay bixisay Hirshabelle lagu guuleystay in la xiro buqda tuulada Mookeey oo uu ka fatahay Webiga Shabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com