Wafdi u tagay Beledweyne joojinta dagaal beeleedyada ka soo cusboonaday

Wafdigan oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdigan oo uu horkacayo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa halkaasi u tagay xoojinta dadaalada lagu dhexdhexaadinayo beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya deegaano dhaca dhinaca galbeed ee Magaalada Beledweyne.

Wafdigan ayaa waxaa qayb ka ah Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabelle, Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle.

Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday duleedka Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com