Cabdisamad Cali Shire oo ku geeriyooday Magaalad Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Madaxweynihii Kuxigeenkii hore ee Puntland, Cabdisamad Cali Shire.

Madaxweyne Kuxigeenka oo muddooyinkanba ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa ayaa Arbacadii shalay la keenay Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu maanta ku geeriyooday.

Geerida marxuumka ayaa waxaa goor dhow shaacisay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Cabdisamad Cali Shire ayaa soo noqday Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, xilli Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).

Cabdisamad Cali Shire ayaa sidoo kale ahaa janaraal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com