Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Puntland, General Cabdisamad Cali Shire oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuum Cabdisamed Cali Shire uu kaalin mug leh ka soo qaatay geedi-socodka Dowladnimada Somaliya iyo kan dhismaha Dowlad Goboleedka Puntland. Marxuumka ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka xilligii Dowladdii Dhexe, isaga oo noqday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntland iyo Madaxweyne Kuxigeenkii saddexaad ee soo mara Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Cabdisamad Cali shire waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani, Madaxweyne Kuxigeenka Axmed Cilmi Cismaan, bulshada Puntland, gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee marxuumka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com