Axmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo markaasi kaga qaybgelaya Shirka Wadatashiga Qaran ee lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Xubnaha Mucaaradka qaarkood iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa magaalada uga soo horeeyay oo xalay illaa saakay soo kala gaaray Madaxweyne-yaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyadoona saacadaha soo socdo la filayo in uu soo gaaro Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu waxaa suurtagal ah in Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu hal maalin ka dib dhaco imaanshihiisa Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomin doono shirka Madaxda Soomaalida kaga arrinsanayaan arrimaha doorashooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com