Madaxweyne Lafta-gareen oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo ka qaybgelaya Shirka Wadashiga Qaran.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa noqonaya Madaxweynihii 2aad ee soo gaara Magaalada Muqdisho, iyadoo uu xalay soo gaaray Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa saacadaha soo socda la filayaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, halka Madaxweynaha Hirshabelle ay suurtagal tahay in illaa hal maalin uu ka dib dhaco shirka, sababo ku aaddan isagoo gudanaya tacsida dadkii badnaa ee Arbacadii shalay ku dhintay dagaalkii Magaalada Jowhar.

Shirkan oo lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa waxaa shir guddoomin doono Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan uu guuleysan doono, haddii uu yahay kan ugu dambeeyaa ay tahay in madaxdu heshiis kaga gaaraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com