Qaramada Midoobey oo gaadiid ku wareejisay Taliska XD (SAWIRRO)

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka miina baarista ee UNMAS ayaa gaadiid iyo agab kale oo ciidan ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa kala wareegay Hay’adda UNMAS, gaadiid iyo agab kale oo ciidan, kuwaas oo lagu xoojin doono qaybaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka mahadceliyay gaadiidka iyo agabka kale ee lagu wareejiyay, isagoona sheegay in Taliska iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ka dhexeyso wada shaqayn dhow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com