Qoorqoor oo la kulmay Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxa uu ku qaabilay Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta hoyga uu ka degen yahay Muqdisho casuumaad ugu sameeyay Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo Musharax Daahir Maxamuud Geelle.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Galmudug.

Qoraalka laguma faah faahin waxyaabihii kulankaasi looga hadlay, waxaase soo baxaya warar sheegaya in kulanka si dhow looga hadlay walaaca ay Midowga Musharaxiinta ka qabaan inaanu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble dhexdhexaad ka ahayn arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Mar sii horeysay Golaha Midowga Musharxiinta ayaa Ra’iisal Wasaare Rooble ka codsaday in laga qaybgeliyo Shirka Wadatashiga Qaranka, ee lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka, taasoo illaa iyo hadda wax ka suurtagalay aanay jirin.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 1-dii bishan arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka ku wareejiyay Ra’iisal Wasaaraha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com