Shirka DF iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa waxaa shir guddoomin doono Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda ayaa sheegay in Madaxda Soomaalidu ay yeelan doonaan kulamo horudhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran.

Afhayeenka ayaa rajo badan ka muujiyay in shirka uu guuleysan doono, haddii uu yahay kan ugu dambeeyaa ay tahay in madaxdu heshiis kaga gaaraan.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo keliya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo kuwa kalena la filayo in saacadaha soo socda soo gaaraan Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com