Bannaanbax ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland oo ka dhacay Gedo (SAWIRRO)

Bannaanbaxan oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Gedo ayaa maanta ka dhacay Degmada Beled Xaawo, iyadoona looga soo horjeeday magacaabidda Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland.

Bannaanbaxayaasha ayaa ku qaylinayay hal-ku-dhigyo ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo sida ay sheegeen magacaabiddan sameeyay, xilli uu muddo xileedkiisu gabaabsi yahay.

Sidoo kale boorar ay wateen ayaa lagu muujiyay in 22-ka bisha August ee sanadkan ay tahay maalinta doorashada ee Jubbaland, isla-markaana aanay yeeli doonin maalin dheeri ah.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in labada sano ee Dowladda Federaalka aqoonsatay Maamulka Madaxweynaha Jubbaland ay ku egtahay 22-ka bisha August.

Gudoomiyaha ayaa si adag uga horyimid magacaabidda Golaha Wasiirada cusub, isla-markaana uu Madaxweynuhu magacaabiddan sameeyay, xilli uu muddo xileedkiisu dhow dhowyahay.

Diidmada ay muujiyeen reer Gedo ayaa ku soo aadaysa, iyadoo uu maanta Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Wadatashiga Qaran ee lagu dhameystirayo hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka, Gobolka Gedana uu qayb ka yahay arrimaha ugu waaweyn ee la doonayo in shirkani xalka looga gaaro.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com