Dib u dhis iyo nadiifin ka bilaabatay Marinka Gaza (SAWIRRO)

Ka dib markii ay dhaqangashay xabad joojinta ay wada gaareen Ururka Xamaas ee maamula Marinka Gaza iyo Maamulka Israel ayaa waxay dadka reer Gaza bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Magaalada ayaa waxaa ka muuqanaya burburka baaxadda leh ee ka soo gaaray weeraradii cirka, dhulka iyo badda ee Israel ka gaysatay intii uu socday dagaalkii kow iyo tobanka maalmood.

Gaza waxaa horey uga jirtay xaalad bani’aadanimo, bacdamaa ay muddo dheer go’doon ku jirtay, tii ayaana ka sii dartay, iyadoo ay haatan korontadii iyo biyihiiba ka go’an yihiin.

Shacabka qaarkood ayaa bilaabay inay dib u dhistaan guryahooda, iyadoona qaar kalena ay u diyaarsan yihiin ka qayb qaadashada olalaha nadiifinta ee burburka.

Hay’adaha arrimaha bani’aadanimada ayaa sheegaya in sanado badan ay qaatan doonto dib u dhiska Gaza, tobonaan milyan oo dollar-na ay ku bixi doonto waxyeelada ka soo gaartay duqaymihii Israel.

Gargaarkii ugu horeeyay ayaa maanta gaaray Magaalada Gaza, ka dib markii ay Israel furtay waddo muhiim u ah in dadka gargaarka la gaarsiiyo.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku warameysa in loo baahan yahay in la helo marin joogto ah oo dadka lagu gaarsiin karo gargaarka caafimaad ay u baahan yihiin.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in colaadda soo noqnoqotay ee Falastiin iyo Israel looga gudbi karo in la helo laba dowladood oo Israel iyo Falastiiniyiinta ay leeyihiin.

Madaxweyne Biden ayaa ballanqaaday in Xukuumadda Washington ay gacan ka gaysan doonto dib u dhiska Gaza.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa lagu wadaa in Arbacada iyo Khamiista uu booqdo Israel iyo Falastiin.

Qiyaastii laba boqol iyo konton qof ayaa ku dhintay dagaalkan ugu dambeeyay, intooda badanse waxaa lagu dilay Gaza. Israel waxay dhankeeda sheegtay in laba iyo toban qof kaga dhinteen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com