Furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran oo soo geba-gaboobay (SAWIRRO)

Waxaa goor dhow soo geba-gaboobay wejiga hore ee Shirka Wadatashiga Qaran, iyadoona uu ku soo idlaaday jewi is faham ah.

Shirka ayaa waxaa Xerada Afisyooni ka furay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda ayaa isla gorfeeyay dadaalada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Shirka oo dib u bilaaban doono Axadda berrito ayaa looga arrinsanayaa sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September, ee ay horaan ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com