Hawlgal lagu dilay xubno Shabaab oo ka dhacay Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ka fuliyay deegaano hoos-tagga Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Ururka 41aad, Guutada 5aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalkan ku burburiyay fariisimo ay Shabaabku halkaasi ku lahaayen.

Laba Xidigle Xuseen Xasan Joodax (Xuseen Horow) oo hawlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in deegaanka Afcad ay ku dileen lix ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgalka uu ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Shabaabka ay weerar fuleysnimo ah ku soo qaadeen Degmada Buulo Burde.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa xilliyada qaarkood weerara Ciidanka Xoogga Dalka iyo Militariga Jabuuti ee fariisimaha ku leh degmadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com