Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Shirkan oo uu shir guddoominayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa lagu dhameystiraya arrimaha doorashooyinka ee dalka, iyadoo markaasi lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September ay Madaxdu ku wada gaareen Caasimadda Muqdisho.

Muddada uu shirku socdo ayaa lagu go’aamin doonnaa halka looga dhaqaaqayo isgoyska maanta la taagan yahay.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa la wareegay arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka, ka dib markii 1-dii bishan uu si rasmi ah ugu wareejiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com