Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Degmada Wanlaweyn

Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday ayaa maanta ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidan kala taabacsan Gudoomiyaha Degmada, Maxamed Siidow Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Axmed Cabdullaahi Cabdi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo barro kontorool oo lacago looga qaado gaadiidka isugu kala goosha Gobolada Koonfurta.

Dagaalka oo ka qarxay Warta Daa’uud Buulle ayaa ku fiday xaafadda Muuri, taasoo hakad ku keentay dhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo weliba ganacsigii degmadaasi.

Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn ayaa Gudoomiye Kuxigeenkiisa ku eedeeyay in ciidanka taabacsan ay weerareen Daraawiishta Koonfur Galbeed ee fariisimaha ku leh Warta Daa’uud Buulle.

Gudoomiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in markii horeba sifo aan sharci ahayn lagu soo magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka, isla-markaana aanu deegaanka kala garanayn, inkastoo sida uu qirayba uu deegaan ahaan u dhashay.

Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Wanlaweyn, Cabdalla Boorow Xasan ayaa Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Kuxigeenka ugu baaqay inay si deg-deg ahi dagaalka u joojiyaan, haddii kalena ay tallaabo ka doonaan, sida uu yiri.

Taliyaha ayaa Maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in uu soo fara-geliyo xaaladda ka taagan degmadaasi, bacdamaa ay walaac badani ku hayso dadka deegaanka.

Inkastoo aanay jirin cid labada dhinac kala dhexgashay ayaa waxaa haddana la soo sheegaya in dagaalka uu si iskiis ah u istaagay, isla-markaana ay suurtagal tahay in markale ay foodda is daraan, haddii aan la kala dhexgelin.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay saddex ka mida dhinacyadii uu u dhaxeeyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com