Fallanqayn: Madaxweyne Farmaajo iyo Shirka Magaalada Muqdisho

Waxaa maalinkii labaad galay shir u dhexeeyo madaxda dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo sidii looga gudbi lahaa khilaafka harreeyay hanaanka doorashada iyo fulinta heshiiskii 17-kii September ee 2020. Shirkan waa markii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qabanayo, ka dib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu howlaha doorashada ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkan waa markii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qabanayo, ka dib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu howlaha doorashada ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Haddaba, madaxweyne Farmaajo u u furan tahay fursad uu kaga qeybgalayo shirkaas? Arrintaas ayaan halkan ku falanqeyneynaa:

Madaxweynaha ma ka qeygbeli karaan shirkan?

Dr Shariif Cismaan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC Somali u sheegay in madaxweynaha uu ka qeybgalo shirkan ka furmay Muqdisho, ay ku xiran tahay “qaab farsamo ama wadahadalka looga shaqeeyo.”

“Haddii ay noqoto in madaxweynaha uu ka soo qeybgalo waxay u baahan tahay in arrin si farsamo ah looga shaqeeyay ay noqoto,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa horey u sheegay in howlaha shaqo ee doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, ka dib khilaafyo soo noqnoqday oo sababay dib u dhaca doorashadii baarlamaanka iyo tii madaxweynaha.

Dhinacyada waxay 17-kii Septmeber ee 2020, ku heshiiyaan in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban, waxaana ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya, balse waxaa dib uga soo noqday khilaafyo sababay in uu shirkaas dhaqangali waayo.

Ra’iisul Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoominaya shirka hadda ka socdo magaalada Muqdisho. In kastoo ysan weli kala caddeyn sida looga gudbi karo arrimihii khilaafka sababay.

Haddaba, maaxa loo baahan yahay in la sameeyo, haddii madaxweynaha uu damco in uu ka qeybgalo shirkan?; Dr Shariif Cusmaan wuxuu yiri: “Shirarka noocan oo kale ah, waxaa jiro arrimo loo baahan yahay in la turxaan bixiyo inta aanan loo fariisan ka hor”.

“Waxay u baahan tahay in laga wadahadlo lana diyaariyo siyaabaha ay suurtagalka u tahay iyadoo aanay wax xasaasiyad ah abuureyn in arrimahaas oo kale ay dhacaan (sida in madaxweynaha uu ka qeybgalo). Marka waa arrin farsamo, wey dhici kartaa laakiin waxay u baahan tahay in la turxaan bixiyo oo la isla fahmo,” ayuu hadalka ku sii daray.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada waxay u fadhiyaan sidii xal ugu heli lahaayeen khilaafka soo jiitamayay in muddo ah ee hor taagnaa in doorasho ay dhacdo.

Haddaba, marka laga gudbo khilaafka oo heshiis la isla gaaro, yaa ka mid noqon doono saxiixeyaasha? Dr Shariif Cismaan wuxuu qabaa in madaxweynaha uu saxiixi doono heshiiska “waa haddii la raaco arrimo farsamo oo horseedi kara in madaxweynaha uu saxiixo heshiiska.”

“Maadaama uu madaxweyne yahay, wuu saxiixi karaa weliba waxaan is leeyahay maadama uu qeyb ka aha go’aannadii hore, hadda saxiixiisa waa loo baahan yahay, waayo wuxuu caddeynayaa saxiixiisu in wixii meesha ka soo baxay uu raalli ka yahay ama in uusan ka aheyn”.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada in ay guuleystaan. “Jawi deggan ayuu ku bilowday, rajo weyn ayay dadka ka qabaan in labada dhinacba (ay heshiiyaan). Waxaad moodaa in muuqaalkiisa hadda uu yahay mid ay wax ka soo bixi doonaan”.

BBC.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com