Sacuudiga oo soo saaray shuruudo la xiriira gudashada acmaasha Xajka

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkan ogolaatay in laga soo xajin karo dal iyo dibadba, iyadoo dhanka kalena aad u xadiday tirada gudan karta acmaasha Xajka.

Iyadoo nafta bani’aadamka la ilaalinayo ayay Wasaaradda Xajka soo rogtay in lixdan kun oo xaaji ay soo xajin doonaan dal iyo dibadba (10 kun gudaha iyo 50 kun oo dibadda ah).

Bayaanka Wasaaradda Xajka laguma sheegin qoondada la siiyay dowlad walba, waxaana arrintaasi wadatashi ka leh Wasaaradaha Xajka, Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka.

Shuruudaha la soo rogay waxaa qayb ka ah in dadka soo xajinaya ay tahay inay da’dooda u dhaxeyso 18 illaa 60 jir.

Sidoo kale dadka soo xajinaya ayaa shuruud looga dhigay inay xaqiijiyaan qaadashada wejiga hore iyo kan labaad ee tallaalka COVID-19, ayna horey u soo qaataan warqad caafimaad oo caddeynaysa inaanu qofka qabin xanuunka, waxaana intaasi dheer saddex cisho oo ay boqortooyada karantiili doonto, iyadoona ujeedku yahay xaqiijinta badqabka xujeyda.

Xukuumadda Riyadh ayaa xadiday goobaha ay xujeyda deggi karaan, waxaana jira hoteelo cayiman oo ay isla ogolaadeen Wasaaradaha Xajka, Caafimaadka iyo Dalxiiska.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadkii 2020 Xajka u ogolaatay toban kun oo qof, kuwaa oo dhammaantood ka soo xajay gudaha dalkaasi. Kun ka mid ah dadkaasi ayaa u dhashay Sacuudiga, halka inta kalena ay metelayeen wadamada kale ee Islaamka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com