Shirka Wadatashiga Qaran oo horumar laga sameeyay

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad galay.

Shirkna oo ka furmay Teendhada Afisyooni una dhaxeeya dowladda federaalka Soomalaiya iyo madaxda mamaul-goboleedyada ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka Heshiiska 17 September iyo in xal loo helo khilaafka ka taagan doorashada.

Waxaa xarunta shirka ku sugan oo ka qaybgalay Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana shir guddoominaya Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo ay albababada u xirnaayeen ayaa waxay madaxdu ka doodeen qodobbada turxaan-bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana la sheegay in laga sameeyay horumar wanaagsan, iyadoo ay sii socon doonto maalinta berir ah fallanqeynta ajandayaasha horyaalla shirka.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa inuu soo geba-gaboobo, lagana soo saaro qodobbada lagu heshiiyay, inkastoo ay suurtagal tahay inuu dib u dhaco.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com