Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka Wadashiga Qaran ee Muqdisho ka socdo

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa war ka soo saaray Shirka Wadatashiga Qaran, ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uga socda Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo shirka maalintii 2aad ka socdo Xerada Afisyooni, isagoona u rajeeyay inuu guuleysto.

“Waxaan soo dhaweynayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee Muqdisho ka furmay, aniga oo u rajeynaya guul iyo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa yiri “Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo wax la qaybsiga dunida asaaggeena ah.”

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirka laga sameeyay wa-xoogaa horumar ah.

Isniinta berrito ayaa waxaa suurtagal ah in shirka la soo geba-gabeeyo, lagana soo saaro warmurtiyeed, haddii aan loo baahan waqti dheeri ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com