Diidmada Cabdi Xaashi oo sii cusleysay shirka ka socda Xerada Afisyooni

Waxaa maalintii 4aad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho uga socdo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo shirka lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in doodda shirka ay sii cusleysay arrinta ku aaddan soo xulista Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ku metelaya Baarlamaanka Somaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo shirka shir guddoominaya ayaa Isniintii shalay kulan gaar ahi la yeeshay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasoo uu kala hadlay inuu aqbalo inay Xildhibaanada soo wada xulaan isaga iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo Somaliland ay ka soo wada jeedaan, inkastoo sida la sheegay uu ka gows adeegay.

Madaxda oo maanta markale isugu tegay Xerada Afisyooni oo maalmihii ugu dambeysay uu shirka ka socday ayaa markale ka doodaya arrinta Somaliland, oo noqotay mid ka mida qodobada ugu adag ee shirka looga doodayo.

Rooble iyo Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa dadaal ugu jira, sidii looga gudbi lahaa khilaafka ka taagan cidda looga dambeynayo soo xulista Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland.

Madaxda ayaa la filayaa inay geba-gabada shirka ka soo saaraan Warmurtiyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com