Golaha Ammaanka oo maanta kulan ka leh arrimaha Somaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa inay kulan ka yeesho arrimaha Somaliya.

Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka iyo bani’aadanimada.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Amb. Francisco Madeira oo shirka ka qaybgelaya ayaa golaha uga warbixin doono xaaladda guud ee dalka.

Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobeya ayaa imaanaya, xilli Madaxda Soomaalida uu maalintii 4aad shir uga socdo Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com