Muwaadin Soomaaliyeed oo xaaskiisa ku dishay dalka Koonfur Afrika

Cabdixakiin Xigis oo ka mid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa xalay lagu toogtay hoygiisa oo ku yaala magaaladaasi.

Dilka oo sida la sheegay loo adeegsaday qori ayaa waxaa gaysatay xaaskiisa oo Koonfur Afrikaan ah.

Dilka kadib ayay wacday booliska, isla markaana isku dhiibtay ayada oo booliska ay wadaan baritaanno la xariira sababta ka dambeysay dilka ay saygeeda u geystay.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com