Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta saxiixay Siyaasadaha Xaquuqda Aadanaha iyo Tababarada ee Wasaaradda.
Siyaasadahan ayaa muhiim u ah hawl maalmeedyada Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, sida ay masuuliyiinta sheegeen.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in baahi loo qabo dhaqangelinta Siyaasadda Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradiisa.
Waxa kaloo uu sheegay in Siyaasadda Tababarada ay sidoo kale udub dhexaad u noqon doonto hagidda tababarada, jiheynta sare u qaadidda aqoonta Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shaqaalaha Wasaaradda.
Dhanka kale Wasiir Xaaji oo kulan la qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa faray fulinta labadan siyaasadood, si loogu adeeggo buu yiri shacabka daahfurnaan iyo isla xisaabtan dhab ah.







Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com