Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo gaaray Israel (SAWIRRO)

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa maanta gaaray Israel, si uu u xoojiyo xabad xoojintii Xamaas iyo Maamulka Israel.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka degay Magaalada Tel Aviv, iyadoona uu garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhigiisa Israel, Gabi Ashkenazi.

Intaasi ka dib Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa loo kaxeeyay Magaalada Jerusalem, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Labada dhinac ayaa geba-gabadii kulan ay yeesheen waxay si wadajira ula hadleen Warbaahinta. Antony Blinken ayaana ku faah faahiyay ujeedada uu xilligan u yimid Bariga Dhexe.

“Madaxweyne Biden ayaa i weydiistay maanta inaan halkaan imaado, dhabtii afar qodob ayayna tahay inaan ka hadlo. Waa midda ugu horeysee inaan sheego in amniga Israel uu yahay lama taabtaan, in laga shaqeeyo deminta xiisaddii ka aloosneyd Marinka Gaza iyo Magaalada Qudus, taageeridda gargaarka bani’aadanimo iyo dib u dhiska Gaza, si ay uga faa’iideystaan shacabka Falastiin iyo inaan sii xoojino xiriirka aan la leenahay shacabka iyo Madaxda Falastiiniyiinta.” Ayuu yiri Antony Blinken.

Antony Blinken ayaa carabka ku adkeeyay in Xukuumadda Washington ka go’an tahay, sidii dib loogu dhisi lahaa Marinka Gaza, oo burbur uu ka soo gaaray dagaalkii kow iyo tobanka maalmood. Waxa uu intaa ku daray in Mareykanka uu xaqiijin doono inaanay Xamaas ka faa’iideysan dib u dhiska Gaza.

“Si aanu uga hortagno inaanay markale soo noqon isku dhacyo waa inaan ka hadalno, soona qaadno dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira, taasina waxay ka bilaabanaysaa inaan si baaxad leh u bilowno gargaarka bani’aadanimo ee Gaza iyo in deg-deg loo bilaabo dib u dhiskeeda.” Ayuu yiri Blinken.

Blinken ayaa yiri “Mareykanku waxa uu ka shaqaynayaa in tani taageero looga baadi-goobo caalamka, iyadoo Mareykanku uu noqonayo dhaqaalaha dalka ugu horeeya ee bixinaya, anigoo carab dhabaya qaybta aynu bixinayno maantaba. Tani waxaan kala shaqayn doonnaa dadku aynu bahwadaagta nahay, anigoo si dhow indhaha ugu hayn doona in dhaqaalaha dib u dhiska reer Falastiin aanay Xamaas u adeegsan wax kale.”

Blinken ayaa ugu dambeyn sheegay inay Israel xaq u leedahay inay is difaacdo, isagoona difaacay kaalmada Mareykanka uu siiyo Maamulka Yahuudda. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ra’iisal Wasaare Netanyahu uu kala hadlay, sidii loo xoojin lahaa hannaanka difaaca gantaalada ee Israel.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com