Gudoomiye Xaashi oo aqbalay ka qaybgalka munaasabadda shirka lagu soo xirayo

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa aqbalay inuu ka qaybgalo munaasabadda ka socoto Magaalada Muqdisho ee lagu soo xirayo Shirka Wadatashiga Qaran.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood, Xildhibaano, Senatoro iyo siyaasiyiin kale ayaa hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Aqalka Sare, iyagoona ka dhaadhiciyay inuu ka qaybgalo xafladda.

Gudoomiyaha oo ka mid ah masuuliyiinta ku qoran hadaljeedinta xafladda ka socoto Xerada Afisyooni ayaa mar sii horeysay ka biyo diiday inuu ka qaybgalo.

Gudoomiye Xaashi ayaa ku andacooday inaanan wax heshiis ah laga gaarin arrinta Somaliland ee la xiriirta kuraasta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Madaxwe-yaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Gudoomiye Xaashi u gelbinaya Xerada Afisyooni.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo xiri doono munaasabadda lagu soo gunaanudayo shirka maalmihii ugu dambeysay ka socday Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com