Madaxweynaha Faransiiska oo cafis weydiistay shacabka Rwanda (SAWIRRO)

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa shacabka Rwanda ka codsaday inay Faransiiska ka cafiyaan khaladaadkii lala xiriiriyay xasuuqii dalkaasi ka dhacay sanadkii 1994-kii, oo ay ku dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay sideed boqol oo kun oo qof.

Dagaaladii sokeeye ee boqolka maalmood socday, una dhaxeeyay beelaha Tutsi-ga iyo Hutu-ga ayaa bilowday 7-dii bishii April, iyadoona uu soo geba-gaboobay 15-kii bishii July ee sanadkii 1994-kii.

Madaxweynaha Faransiiska oo maanta ka hadlayay xus ka dhacay Magaalada Kigali ee Xarunta Wadanka Rwanda ayaa qiray in Faransiiska uu dhegaha ka fureystay digniinihii ku saabsanaa in xasuuqaasi ku soo food lahaa dalkaasi, inkastoo uu meesha ka saaray in dalkiisu ku lug lahaa xasuuqaasi.

“27 sano ayaa ka soo wareegatay waqti lagu qiyaasay, 27 sano oo fahamsanaan la’aan ah iyo isku day daacadnimo iyadoo ay jirtay, haddana waxaas oo dhan waxay noqdeen waxaan lagu guuleysan. Taariikhda 27 sano oo dhibaato aan kala go’ lahayn shakhsiyan waxay ii leedahay xusuus murugo leh.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Macron ayaa yiri “Iminka anagoo samaynayno is weydiin iyo xushmad dhankaga, waxaan garwaaqsaday masuuliyadeena.”

Madaxweyne Macron ayaa isku dayaaya inuu dib u hagaajiyo xiriirka xumaaday ee labada dal, sababo ku aaddan doorkii Xukuumadda Paris lala xiriiriyay inay ku lug laheyd xasuuqii dhacay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com