Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta booqasho ku tegaya dalka jabuuti, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada dalkaasi.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha Masar uu kala hadli doono dhigiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle sida loo xoojin karo xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga iyo dhaqaalaha.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wadahadli doono horumarka gobalka iyo xaaladda guud ee Qaaradda Afrika.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com