Madaxweyne el-Sisi oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti

Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo booqashadiisaana ay hal maalin qaadan doonto.

Madaxweynaha Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli ku soo dhaweeyay dhigiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Intaasi ka dib Madaxweyne el-Sisi ayaa loo gelbiyay Madaxtooyada Magaalada Djibouti, halkaasoo kulan saacado qaatay uu kula yeeshay Madaxweynaha Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay arrimo dhowra, oo ay ugu horeeyaan xiriirka labada dal, amniga, dhaqaalaha iyo xiisadda Masar kala dhaxeysa Itoobiya ee ka dhalatay biyo xireenka ay Itoobiya ku samaynayso biyaha Webiga Nile.

Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay dhigiisa Masar in Jabuuti ay gacan ka gaysan doonto, sidii leeskugu soo dhawayn lahaa labada dal, isla-markaana loo gaari lahaa heshiis ay ku mideysan yihiin Itoobiya, Suudaan iyo Masar.

Waa booqashadii ugu horeysay oo Madaxweyne el-Sisi uu ku taggo dalkaasi Jabuuti, tan iyo markii uu xilka qabtay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com