Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Xerada Afisyooni (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeen gaaray Xerada Afisyooni, oo ay ka socoto munaasabadda lagu soo xirayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Goobta ayaa waxaa ku sugan Madaxda Dowladda Federaalka, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano, Golaha Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa lagu saxiixi doonnaa heshiiska laga gaaray shirka maalmihii ugu dambeysay ee Magaalada Muqdisho uga socday Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiri doono munaasabadda lagu soo gunaanudayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com