Munaasabadda heshiiska xalinta arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa laga akhriyay Warmurtiyeed xambaarsan qodobadii lagu heshiiyay, si kooban.
Warmurtiyeedkan wuxuu horudhac u yahay in la shaaciyo qodobada lagu heshiiyay, taasoo lagu faah faahinayo sida iyo talaabooyinka ay u dhaceyso doorashada.
Wammurtiyeedkan waxaa saxiixay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:-
In la xaliyay khilaafkii iyo kala aragti duwanaanshihii ku aaddaana doorashooyinka dalka
In doorashada si habsami leh u dhacdo
In dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu, ay si wadajir ah isaga kaashadaan doorashada.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com