Rooble oo khudbad ka jeediyay xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaran

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Jubbaland Axmed Maxamed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii sebteembar ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyada ay khusaysay arrinta doorashada oo muujiyey tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah, waxana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyed.

Eng. Rooble ayaa sheegay in laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, sida arrinta Gobolka Gedo, Hannaanka doorashada gobollada Waqooyi, turxaan bixinta qaab-dhismeedka guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-gobleed iyo sidoo kale amniga doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyayaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan sidii ay loo hirgelin lahaa doorashada, isla markaana uu dalku uga baxi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ku geedaaman.

Ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha dowladda ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in xukuumaddiisu ay xil iska saarayso.

Dhanka kale munaasabadda ayaa si kooban looga akhriyay Warmurtiyeed xambaarsan qodobadii lagu heshiiyay.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:-

In la xaliyay khilaafkii iyo kala aragti duwanaanshihii ku aaddaana doorashooyinka dalka

In doorashada si habsami leh u dhacdo

In Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu, ay si wadajir ah isaga kaashadaan doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com