Rooble oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga & Horumarinta Sweden (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ee Sweden, Per Olsson Fridh oo booqasho ku yimid dalka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha ee maanta laga gaaray arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden taageeradeeda Somaliya ee dhinacyada horumarinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha

Dhanka kale Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago shacabka Soomaaliyeed geedi-socodka dimoqradiyadeed iyo dowlad dhiska dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com