Xafladda lagu soo xirayo shirka oo ka socota Magaalada Muqdisho

Munaasabadda lagu soo geba-gabeynayo Shirka Wadatashiga Qaran ayaa haatan ka socoto Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ka dhaceysa Xerada Afisyooni ayaa waxaa ku sugan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Madaxwe-yaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay khudbado ka jeediyaan munaasabadda.

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo xiri doono munaasabadda lagu soo afjarayo shirka lagu dhameystiray hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com