Faah faahin: Imtixaanaadka Shahaadiga ee dalka ka bilowday

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, sanad dugsiyeedka 2020-2021 oo sanadkan ay gelayso 42 kun oo arday.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa ardayda Dugsiyada Sare u rajeeyay inuu guul ugu soo dhammaado imtixaanka.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada Somaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in imtixaanka Dugsiyada Sare ee maanta ka bilowday dalka lagu geli doono 121 goobood, marka laga soo bilaabo Gaalkacyo.

Maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Gobolka Banaadir ayaa qayb ka ah Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, ee qaadeyso Dowladda Federaalka, waana sanadkii ugu horeeyay oo lagu gelayo manhajka ay Dowladda Federaalka soo saartay.

Puntland ayaa si gaara u maamulata imtixaanaadkeeda, iyadoo aanay qayb ka ahayn imtixaanaadka ay qaaddo Dowladda Federaalka.

121 goobood ee imtixaanka lagu gelayo 77 ka mida waxay ku yaallaan Gobolka Banaadir, waana halka ugu badan ee ardayda badankooda ka imaanayaan, imtixaankana ay ku gelayaan.

Ciidamada Booliska ayaa ku sugan oo sugaya ammaanka goobaha imtixaanaadka lagu qaadayo, si jewi nabdoon ugu soo dhammaadaan imtixaanaadka maalmaha ay socdaan.

Si kastaba ha-ahaatee imtixaankan ayaa noqonaya kiisii 7aad oo xiriir ah oo Dowladda Federaalka ay qaadeyso, sanadkanse waxa uu kuwii hore kaga duwan yahay, iyadoo uu noqonaya markii ugu horeysay oo ardayda ay imtixaanaadka ku gelayaan manhajka guud ee ay Dowladda Federaalka dejisay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com